Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhacay Bakool ku dilay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda shacabka

Muqdisho, Nofeembar 16, 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Moora Hagar Guudale, oo qiyaastii 20 KM dhanka waqooyi kaga…

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ka dhacay Bakool ku dilay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda shacabka

Muqdisho, Nofeembar 16, 2026 – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Moora Hagar Guudale, oo qiyaastii 20 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhaayow, kana tirsanaa saraakiisha kooxda u qaabilsan ururinta lacagaha iyo xoolaha ay baadda uga qaadaan shacabka ku nool deegaannada gobolka Bakool.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobaha ay maleeshiyaadku ku maamulayeen dhaqaalaha sharci-darrada ah ee ay shacabka ka qaadaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ay sii wadaan baacsiga horjoogayaasha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya godadka, iyadoo lagu adkeynayo cadaadiska militari ee ka dhanka ah kooxda.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo caddeysay in la sii dardar-gelin doono howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments