Golaha Wasiirrada oo ka hadlay xaaladda waxbarashada xirfadaha iyo farsamada shaqada

Muqdisho, 18 Nofeembar 2026: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka,…

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay xaaladda waxbarashada xirfadaha iyo farsamada shaqada

Muqdisho, 18 Nofeembar 2026: Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay xaaladda amniga dalka, hawlgallada ciidamada iyo arrimaha bulshada.

Shirka ayaa warbixin looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Warfaafinta, kuwaas oo soo bandhigay xog ku saabsan xaaladda amniga dalka, hawlgallada ciidamada iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhagaystay Tiirka Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taas oo la xiriirtay xaaladda waxbarashada xirfadaha iyo farsamada shaqada.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay Machadka Farsamada ee ugu weyn dalka, kaas oo ay dhigtaan 670 arday, waxaana golaha hor yimid Xasan Maxamed Guutaale oo tan iyo sannadkii 1991-kii ilaalinayay dhismaha machadkaas oo loo yaqaanay Xero Jarmal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Xasan Maxamed Guutaale ku tilmaamay halyey Soomaaliyeed oo mudan in la xuso, isaga oo ku bogaadiyay dadaalka iyo shaqada waddaninimo ee uu dalka iyo dadka u qabtay.

Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan hirgelinta hannaanka waxbaridda dadka maqalka la’.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay habka iyo luuqadda dhagoolayaasha, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu xusay in daryeelka iyo waxbaridda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay tahay waajib dastuuri ah iyo mid diimeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments