Midowga Afrika ayaa bogaadiyey horumarka Soomaaliya ka sameysay qabashada doorashooyinkii ugu horreeyay ee tooska ah ee goleyaasha deegaanka, isaga oo sidoo kale soo dhaweeyey wada-hadallada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu la leeyahay dhinacyada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka qaranka ee la qorsheeyey 2027.
Midowga Afrika ayaa si adag u diiday faragelin kasta oo shisheeye oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya, isaga oo cambaareeyey tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Golaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ku saabsan Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), wuxuuna ansixiyey marxaladaha koowaad iyo labaad ee qorshaha kala-guurka ciidamada, kaas oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.





From the comments