Aragtida Xorta Ah

Soomaaliya iyo Turkiga: Maxaa u Baahan Dib-u-eegis?

Soomaaliya iyo Turkiga: Maxaa u Baahan Dib-u-eegis?

19 August 2011, xilli ay Soomaaliya ku habsatay abaartii iyo macaluushii ugu darnayd muddo tobanaan sano ah, ayaa diyaarad sidday Ra’iisul Wasaarihii Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, qoyskiisa iyo wasiirro dhawr ah ka degtay garoonka Aadan-Cadde. Muqdisho waxay markaas ahayd magaalo ay madaxda caalamku ka didsan yihiin, safaaradaha shisheeyana ay arrimaha Soomaaliya ka maamulayeen Nairobi. Kooxda argaggixisada ah ee al-Shabaab ayaa labo toddobaad kahor, 06 August 2011, ka baxday caasimadda, waxayse weli awood u lahaayeen inay hawlgallo ka fuliyaan gudaha magaalada. Sidoo kale, xeryaha barakacayaasha ee magaalada ku yaallay ee dagaalka iyo abaarta ka soo qaxayna, waxay ahaayeen muuqaallo argaggax iyo ayaandarro ka muuqato. Erdoğan iyo xaaskiisu waxay dhex mareen xeryahaas, iyaga oo kamaradaha caalamku la socdaan.

Shan iyo toban sano kaddib, shalay ayay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara shaacisay in Madaxweyne Erdoğan uu saxiixay oggolaanshaha miisaaniyadda dhismaha xarunta cusub ee safaaradda Soomaaliya, mashruuc lagu sheegay inuu ku kacayo lix milyan oo doollar. Dawlad u dhisaysa dawlad kale safaaraddeeda, weliba caasimaddeeda dhexdeeda, waa arrin dhif ku ah diblumaasiyadda! Waa deeqsinimo diblumaasiyadeed oo mudan in laga mahadceliyo. Haseyeeshee, Soomaaliya waxay Turkiga u furtay dekeddeeda, garoonkeeda, baddeeda iyo shidaalkeeda, iyada oo aan weli awood u lahayn inay iyadu dhisato safaaraddeeda.

Booqashadii 2011 ma ahayn billowgii xiriirka labada dal. Turkigu, wuxuu Muqdisho safaarad ku lahaa ilaa burburkii 1991, labada dalna waxay sannadkan u dabbaaldegayaan Lixdan sano oo xiriir diblomaasiyadeed ah. Sidoo kale, 17 April 2009, magaalada Ankara, ayay Turkiga iyo Dawladdii Kumeelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed kala saxiixdeen “Heshiiska Iskaashiga Farsamada”, kaas oo ahaa heshiis guud oo aan milateri ahayn, sida uu muujinayo liiska heshiisyada caalamiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Turkiga. Sannad kaddib, 22 May 2010, magaalada Istanbul, iyada oo uu socday shirkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayay labada dawladood kala saxiixdeen heshiis qaabdhismeed oo ku saabsan iskaashiga, tababbarka, farsamada iyo cilmiga ee dhinaca milateriga. Booqashadaas se waxay beddeshay sida ay dunidu Muqdisho u eegaysay. 

06 March 2012, diyaaradda Turkish Airlines ayaa ka degtay Aadan Cadde, waxayna noqotay shirkaddii ugu horraysay ee ka timaadda meel ka baxsan Bariga Afrika oo Muqdisho duulimaad joogto ah u furta tan iyo burburkii. Madaxweynihii xilligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa garoonka ku soo dhoweeyay wefdi uu hoggaaminayay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Bekir Bozdağ.

Mashaariicda waaweyn, waxay yimaadeen xukuumaddii hore Xasan Sheekh Maxamuud (2012–2017). Tusaale, 30 June 2013, dawladdu waxay shirkadda Turkiga ah ee Favori la saxiixday heshiis lagu maamulayo garoonka Aadan Cadde, shirkadduna hawsha waxay la wareegtay 15 September 2013. Isla sannadkaas, golaha wasiirradu waxay ansixiyeen heshiis loogu wareejinayo maamulka dekedda Muqdisho shirkadda Albayrak muddo labaatan sano ah. 25 January 2015, Erdoğan oo markaas noqday Madaxweynaha Turkiga ayaa mar labaad yimid Muqdisho, wuxuuna Xasan Sheekh la furay terminaalka cusub ee garoonka iyo isbitaalka Digfer, kaas oo ay hay’adda TIKA dib u dhistay, loona bixiyay magaca Erdoğan. Waxbarashada dhinaceeda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, in ka badan kun arday oo Soomaaliyeed ayaa intii u dhexaysay 1992 iyo 2019 helay deeqaha waxbarasho ee dawladda Turkiga.

Dhinaca amniga, 2017 Turkigu wuxuu Muqdisho ka furay xerada TURKSOM, oo ah saldhiggiisa milateri ee ugu weyn ee dibadda ugu yaalla, kuna kacay lacag dhan 50 milyan oo doollar, sida ay qortay Al-Jazeera. Xeradaas waxaa ka soo baxay ciidamada Gorgor, kuwaas oo maanta lafdhabar u ah dagaalka lagula jiro kooxda AS. Wargeyska Daily Sabah ayaa 2025 qoray in tirada ciidanku gaareyso 5,000, halka joornaalka ADF uu qoray 16,000! Sannadkaas, ciidamada Turkiga ee dalka joogay waxay gaareen 800, July 2026-na hawlgalkooda waxaa loo kordhiyay ilaa 2028.

Mar kale, gacanta ugu weyn ee Turkigu Soomaaliya u fidiyay waxa ay ahayd garab-istaagga siyaasadeed ee xilliyada adag. 01 January 2024, markii ay Itoobiya iyo maamulka goonigoosadka Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah, kaas oo lagu kala beddelanayay marin badeed iyo aqoonsi, shan toddobaad kaddib, 08 February 2024, Ankara iyo Muqdisho waxay kala saxiixdeen heshiis difaac oo toban sano ah, taas oo Turkiga u xilsaaraysa dhisidda ciidanka badda Soomaaliya iyo ilaalinta biyaha dalka. Isla sannadkaas, December 2024, Ankara ayaa martigelisay wadahadallo dhaliyay Baaqii Ankara, kaas oo qaboojiyay xiisaddii Muqdisho iyo Addis Ababa. Markii Israa’iil aqoonsatay Somaliland, Turkigu si cad ayuu u diiday, wuxuuna mar kale ku celiyay taageeradiisa midnimada Soomaaliya.

Haddaba, xiriirka wanaagsan ee shan iyo tobanka sano soo socday waa mid dhab ah oo aan la dafiri karin, weydiinta mudan in la istoydo se waxay tahay: maxaa looga baahan yahay Soomaaliya si xiriirkani uga gudbo niyadsami iyo saaxiibtinimo madaxeed, una noqdo iskaashi ku dhisan sharci, hay’ado iyo dano, siina socon kara marka madaxda labada dal isbeddelaan? Waxaan qabaa in ay jiraan afar arrimood oo u baahan in si dhab ah loo eego:

1. Daahfurnaanta Heshiisyada. 07 March 2024, Istanbul waxaa lagu saxiixay heshiiskii sahminta shidaalka iyo gaaska. Baarlamaanka Soomaaliya wuu ansixiyay, balse xildhibaanno ka mid ah ayaa u sheegay warbaahinta Nordic Monitor inaysan arag dokumentiga rasmiga ah. Dokumentiga oo buuxa wuxuu soo ifbaxay April 2025, markii dawladda Turkigu u gudbisay baarlamaankeeda si ay u ansixiyaan. Tusaale ahaan, haddii sannad gudihii la soo saaro 100 foosto oo shidaal ah, heshiisku wuxuu shirkadda shidaalka Turkiga ee TPAO u oggolaanayaa inay ka qaadato ilaa 90 foosto, si ay ugu soo celiso kharashka ay ku bixisay sahminta iyo qodista. Soomaaliya waxay si toos ah u helaysaa 5 foosto oo kaliya, inta yar ee hartana waa faa’iido la qaybsan doono, iyada oo aan weli la shaacin sida loo qaybinayo. Dawladdu waxay ku doodday in xaaladdani ay socon doonto oo kaliya inta TPAO ka soo celinayso kharashkeeda, kaddibna ay faa’iidadu korodhi doonto. Dawladdu waxay ku jawaabtay in 90% uu yahay xad ku eg muddada maalgashiga la soo celinayo, royalty-guna uu bilaabmayo foostada ugu horraysa. January 2019, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay soo saartay heshiiska tusaalaha ah ee wadaagga wax-soo-saarka badda (Model Offshore Production Sharing Agreement), kaas oo ah qaabka ay dawladdu u dejisay heshiisyada ay la gasho shirkadaha shidaalka badda. Qodobkiisa 9.1 wuxuu shirkadda u oggolaanayaa inay kharashkeeda uga soo celiso ugu badnaan 70 foosto halkii mar ee 100 foosto la soo saaro. Balse heshiiskii 07 March 2024 Istanbul ay ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, wuxuu qodobkiisa 4.7 TPAO u oggolaaday 90 foosto halkii mar ee 100 foosto la soo saaro. Haddaba, maxaa heshiiskan looga leexday qaabkii dawladda lafteedu hore u dejisay?

2. Oggolaansha Qaran. Heshiiska ay xukuumad kaliya gasho, iyada oo aan la marsiin baarlamaanka, inta badan xukuumadda xigta ayaa dib u furta. Tusaale, June 2013, xukuumaddii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxay shirkadda Favori la saxiixday heshiiska maamulidda garoonka Aadan Cadde. Dhawr bilood kaddib, September 2013, guddoomiyihii guddiga gaadiidka ee baarlamaanka, Cismaan Aadan Dubow, ayaa heshiiskaas ku tilmaamay sharcidarro, maaddaama aan baarlamaanka la marsiin. Isla sannadkaas, October 2013, golaha wasiirradu waxay ansixiyeen heshiiska maamulidda dekedda Muqdisho ee shirkadda Albayrak. January 2015, guddi kormeera maaliyadda dawladda, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dawladeed iyo khubaro ka socda deeqbixiyayaasha, lana yiraahdo Financial Governance Committee (FGC), ayaa soo saaray warbixin lagu sheegay in labada heshiis ay leeyihiin cillado, loona baahan yahay in dib loo eego shuruudahooda. Ugu danbayntii, xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada heshiisba dib u eegtay oo shuruudahooda wax ka beddeshay. May 2019, heshiiska garoonka ayaa la cusboonaysiiyay, halka October 2020, heshiiska dekedda lagu beddelay heshiis cusub oo 14 sano ah, kaas oo dib u habeeyay qaybinta dakhliga, Albayrakna ku waajibiyay inay dekedda ku maalgeliso 50 milyan oo doollar shan sano gudahood.

 

Haddaba, heshiiska baddu waa toban sano, heshiiska shidaalkuna wuxuu ku saabsan yahay khayraad ay maamulgoboleedyadua qayb ku leeyihiin. Labadaba waxaa la saxiixay xilli xiriirka dawladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamulgoboleedyadu xumaa: Puntland waxay xiriirka u jartay March 2024, Jubalandna November 2024. Sida ay qortay warbaahinta DeSmog, dawladda federaalka iyo labadaas maamulgoboleed kama heshiin sida khayraadka loo qaybsanayo. Heshiis uu baarlamaanku ansixiyay, balse maamulgoboleedyadu aysan ku raacsanayn, xukuumadda xigta ayaa si fudud su’aal u gelin karta. Turkiga laftiisa ayaa dani ugu jirtaa in arrintaas laga hortago, waxaana laga yaabaa in dhexdhexaadintii Ankara July 2026 ee dawladda iyo mucaaradka ay qayb ka ahayd xallinta khilaafaadkaas.

 

3. Wareejinta Awoodda. Heshiiskii difaaca ee 2024 wuxuu ballanqaaday in Turkigu dhiso, tababbaro oo qalabeeyo ciidanka badda Soomaaliya. Balse ilaa hadda lama shaacin jadwal cad oo sheegaya goorta ay Soomaaliya si buuxda ula wareegi doonto ilaalinta biyaheeda, ama goorta ay yeelan doonto khubaro batrool oo Soomaaliyeed oo la xisaabtami kara TPAO. Sidoo kale, saldhigga hawada sare ee Turkigu ka dhisayo xeebta dalka, sida ay qoreen Turkish Minute iyo Middle East Forum, waxaa loo adeegsan doonaa tijaabinta gantaalaha fog ee shirkadda Roketsan. Haddii arrintaasi run tahay, Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay ogaato waxa ay ka helayso, iyo sida ay uga fogaanayso inay noqoto garoon ay dalal kale ku loollamaan. Gargaarka aan lahayn qorshe wareejin, muddo kaddib wuxuu isu beddelaa kutiirsanaan, xitaa haddii niyadda gargaarbixiyuhu wanaagsan tahay.

4. Isudheellitirka Ganacsiga. Falanqayn October 2021 lagu daabacay Middle East Institute (MEI) ayaa muujinaysa in sannadkii 2010 Soomaaliya ay Turkiga u iibisay agab ku kacaya 1.36 milyan oo doollar, kana soo iibsatay 4.8 milyan. Sagaal sano kaddib, 2019, alaabta Turkigu Soomaaliya u iibiyay waxay gaartay 256 milyan oo doollar, halka tan Soomaaliya Turkiga u iibisay ay ahayd 6.7 milyan oo kaliya. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga waxay sheegtay in ganacsiga labada dal oo isku dhan uu sannadkaas ahaa ku dhawaad 251 milyan oo doollar. Haseyeeshee, haddii tirooyinka MEI la raaco, Turkigu wuxuu Soomaaliya u iibiyay alaab 38 jeer ka badan inta ay Soomaaliya u iibisay. September 2025, Ahmet Sami Isler, oo hoggaamiya golaha ganacsiga Soomaaliya ee ka tirsan hay’adda Turkiga ee xiriirka dhaqaalaha dibadda (DEIK), ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in qiyaastii 70% alaabta Soomaaliya soo gasha ay ka timaaddo Turkiga, ganacsiga labada dalna uu gaaray ku dhawaad 500 milyan oo doollar. Isla warbixintaas, Umut Yurdakul, oo xilligaas ahaa maamulaha guud ee shirkadda Albayrak ee maamusha dekedda Muqdisho, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tiirsan tahay alaab dibadda laga keeno, maaddaama waxsoosaarka gudaha uu aad u yar yahay. Ganacsatada Turkigu khalad ma aysan gelin, waxay ka faa’iidaysteen suuq furan. Dhibku waa in Soomaaliya aysan lahayn waxsoosaar ku filan oo ay gayso suuqa Turkiga. Sidaas darteed, alaabtu waxay ka timaaddaa Turkiga, Soomaaliyana wax yar mooyee waxba uma dirto.

Si kastaba ha ahaatee, cidna ma dafiri karto in Turkigu Soomaaliya garab istaagay xilli saaxiibbadeedu yaraayeen, duniduna Muqdisho ka didsanayd. Balse xiriirka dawladuha kuma waaro xusuustaiyo jacaylka shacabka oo kaliya. Wuxuu ku waaraa heshiisyo ay Soomaalidu akhrisan karto, baarlamaan ka dooda, iyo hay’ado Soomaaliyeed oo awood u leh inay miiska gorgortanka si siman u fadhiistaan. Safaaradda cusub ee Ankara waa deeq diblomaasiyadeed oo mudan in laga mahadceliyo. Waxaase ka nuxur iyo macne weyn maalinta ay Soomaaliya iyadu dhisan karto safaaraddeeda, ayna noqoto walaal Turkiga garab taagan, sida uu maanta Turkigu u garab taagan yahay, ama ay si siman ula gorgortami karto, iyada oo aysan mar walba ahayn qaate guud. 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments