Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, ee magacaabista Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, in uu noqdo Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar.