Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Jen. Khaliif Axmed Erag. Ereg ayaa hore u soo qabtay xilka taliyaha hay’adda nabad sugidda ee gobolka Banaadir.
Shir Jara’id oo hadda uu wasiirka warfafainta ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku sheegay in gorfweyn dheer kadib Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu u magacaabay wasiirka amiga qaranka Khaliif Maxamed Irig.
Magacaabista ra’iisal wasaaraha uu ku dhawaaqay wasiirka amniga ayaa ku soo aaday xili xalay weerar toos ah lagu qaaday xarunta madaxtooyada oo saldhig u ah madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.



From the comments