Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in guddi dhex dhaxaadin ah ay u saareen joojinta dagaallada ka dhacaya deegaanada galbeedka magaalada Beledwayne.
Xildhibaan Samiiro Axmed Cabdulle oo la hadashay Goobjoog FM ayaa sheegtay in guddigan tallaabada ugu horeysa oo ay qaadayaan ay tahay fidinta gogol nabadeed.
Waxa ay ku baaqday Samiira Axmed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka in maleeshiyada ku dagaalamaya deegaanka Deefow ee magaaladaasi gacan ka hadalkooda ku bedelaan wada hadal.



From the comments