
Golaha ammaanka qaramada midoobay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku dhiira galiyay in si qaldan loo isticmaalo sharciga ka hor taga waxa reer galbeedka ugu yeeraan argagaxisada oo golaha wasiirada xukuumadda ay meel mariyeen.
Baaqa golaha ammaanka ayaa lagu sheegay in sharcigaasi aan loo baahnayn in meel ku dhac uu ku noqdo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Golaha ammaanka ayaa go’aankan soo saaray markii fadhi ay ku yeesheen magaalada New York oo ay ku jeex jeexeen warbixin ka hadlaysay ammaanka magaalada Muqdisho oo uu gudbiyay wakiilka QM ee Soomaaliya Niclos Kay.



From the comments