
Dan yar tabaalaysan oo ku dhaqan degmada Hodan ayaa maalintii 18-daad ee bisha Barakaysan ee Ramadaan ka faa’iidaystay raashin afurin ah oo ay bixinayso Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta ,kaasoo logu tala galay dadka aadka dhaqaalahoodu u hooseeyo.
Nuur Axmed Diiriye oo ka tirsan laanta afraad ee degmada Hodan oo galabta qayb ka ahaa bixinta raashinkan bisil ee loogu tala galay inay ka afuraan dadkan danta yar ee ku dhaqan degmadaasi ayaa ugu horeyn si weyn uga mahad celiyay kaalmadaan afurka ah ee ay wado Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta.
Maryan Cali Daahir oo kamida dadkan la quudinayo ayaa si aad iyo aad ah ugu mahad celisay Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka Carabta oo kaalmo maalmahan danbe ka waday xeradan Agoonta ee degmada Hodan Laanta Afaraad, waxayna sidoo kale tilmaamtay inay jiraan baahi intaas ka badan oo haysata dadka tabaalaysan ee ku dhaqan degmadaasi,xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan iyadoona ay jiraan roobab lixaad leh oo maalmahan ka Da’aya Caasimada Muqdisho.



From the comments