
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda dalka, ayaa waxaa shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana goluhu warbixin ka dhageystay guddi loo xil-saaray gurmadka deg-deg ah, iyadoo dhanka kale goluhu dood ka yeeshay caqabadaha hortaagan fulinta barnaamijka Hiigsiga cusub ee (New Deal).
Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ka dhageystay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray diyaarinta qorshaha gurmad ee Xukuumadda, waxaana ay sheegeen guddigu inuu xiriiro kala duwan la sameeyay hay’adaha samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa, isla markaana ay codsadeen in gurmad loo fidiyo dadka
tabaalaysan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka abaaruhu waxyeeleen.



From the comments