
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa galabta qoysas isugu jira Barakacayaal iyo kuwa danyar ah u qaybisay deeq Afurin ah, kuwaasi oo ku nool xeryo ku yaalla degmooyin dhowra oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Afurintan ayaa waxaa maanta ay bisha Cas ee Imaaradka Carbta gaarsiisay qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal, kuwaasi oo ku jira qaar ka mid xeryaha barakacayaasha ee magaalada ku yaalla, waxaana raashinkaasi ay isugu jireen kuwa afrin iyo casho.
Nadiifo Xuseen Maxamed oo ah horjoogaha Xero lagu magacaabo Far-libaax oo ku taalla duleedka Muqdisho agagaarka Ex-koontarool Afgooye ayaa waxay ugu horeyn ka mahad celisay afurintan ay soo gaarsiiyeen Bisha Cas ee Imaaradka Carabta ,waxayna sidoo kale ay sheegtay in xeradan oo ay ku jiraan ugu yaraan 2,500 qoys oo aan muddo helin wax gar gaar ah.



From the comments