
Taliyihii hore ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Genaraal Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa maanta ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,kadib markii maanta Baarlamaanka lagu Hor dhaariyey.
Xidhibaannada ayaa maanta ku shir sanna xarunta baarlamaanka dalka,waxaana Bashiir Goobe u dhaariyey xubinta xildhibaanimada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka,Mahad Cabdalla Cawad.
Kursiga hadda loo dhaariyey Bashiir Goobe waxaa horey ugu qornaa kana mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya nin wakaalkiis ah oo lagu magacaabo Qaasim Maxamed Jaamac oo hada iska casilay kamid ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.



From the comments