Goobjoog

Taliska ciidamada DS ee Bakool oo ka hadlay saraakiil ka soo goostay Al-shabaab

Taliska ciidamada xooga dalka ee gobalka Bakool ayaa sheegay in gacmo furan ay kusoo dhaweyn doonaan cid walba oo ka baxda Al-shabaab kuna biirta dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Maxamed…

Taliska ciidamada xooga dalka ee gobalka Bakool ayaa sheegay in gacmo furan ay kusoo dhaweyn doonaan cid walba oo ka baxda Al-shabaab kuna biirta dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Tima Cadde oo ah taliyaha guutada 66-aad ee ciidanka xooga dalka kuna sugan gobalka Bakool ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta dhalinyarada ka midka ah Al-shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan gobalka Bakool.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli shalay degmada Rab dhuurre lagu soo bandhigay ay afar ka tirsan saraakisha xarakada Al-shabab oo isku soo dhiibay dhankooda.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Tima Cadde ayaa u ballan qaaday in ay si wanaagsan ula dhaqmayaan dhalinyarada ku jira xarakada Al-shabaab ee isu soo dhiiba dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments