Ciidanka booliska degmada Jowhar oo fulinaayo ammar kasoo baxay gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Cabdi Jiinoow ayaa maanta albaabada iskugu dhuftay xaruntii radio jowhar sida uu xaqiijiyey agaasimaha idaacadda.
Agaasimaha Radio Jowhar, Maxamed Abuukar Caseyr ayaa sheegay in ciidanka booliska oo xoog kusoo galay xaruunta ay amar ku siiyeen maamulka iyo shaqaalaha idaacadda in ay ciidanka ku wareejiyaan fureyaasha, isla markaana ay isaga baxaan xarunta iyagoo isla markiiba damiyey.
Wuxuu tilmaamay inay tallaabadaasi muujinayso ku xadgudubka madax banaanida war bahinta iyo xorriyadul-qowlka, isagoo sheegay in iyadoo aan la gaarin muddo loo qabtay in ay uga guuraan xarunta ay u yimaadeen ciidanka oo sitay warqad ka soo baxday guddoomiyaha gobolka.



From the comments