Dagaal beeleed mar kale dib uga qarxay deegaano ka tirsan Shabeellaha hoose
Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta mar kale ka dhacay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaladan waxa ay ka dhaceen Deegaanada Nambar 50, Ceel wareegow, Buush-ka iyo tuulooyin kale oo ka mid ah isla Gobolka.
Dad ku sugan Deegaanada ay ka dhaceen dagaaladan ayaa sheegay in Qoysas badan dantu ay ku riixday in ay isaga barakacaan guryahooda.
Wariyaha Goobjoog FM ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo sheegaya in dagaalka Maanta deegaankaasi ka dhacay uu la mid yahay dagaaladii ku salaysanaa qabaa’ilka ee hakadka galay.
Dad goobjoobayaal ayaa sheegay in ay arkeen tiri dhowr qof oo meyd ah, balse aan la sheegin cadadkooda.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa qani ku ah wax soo saarka beeraha iyo xoolaha, taasoo keentay in uu soo bato is qabqabsiga ka dhaxeeya beelaha wada dega gobolka.