[huge_it_slider id=”36″]
Guddoomiyha Degmadda Cabdicasiis ee Gobalkan Banaadir Cismaan Muxudiin Cali ayaa faafaahin ka bixiyay 500 qoys oo ku nool Degmada uu guddoomiyha u yahay oo maanta la gaarsiiyay Deeq Dhar ahayd oo loogu tala galay in ay ku ciidaan Caruurta Agoonta ah iyo waalidiintooda ,waxaana ay ka heleen Hay”dda Bisha Cas ee Dowladda Imaaradka carabta.
Saciid Cabdalla, Madaxa Mashaariicda Carabta oo goobta dharka lagu bixiyay ka hadlay ayaa sheegay sababaha ugu weyn ee Deeqdaasi ay kaga gol leeyihiin in ay tahay Caawinta Shacabka Muslimiinta ah ee aanan awoodin in ay iibsadaan dharka ay ku ciidi lahaayeen.



From the comments