
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaliyaa ayaa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday ku tilmaamay hadalkii ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee ahaa in la dhimayo safaaradaha ay Soomaliya ku leedahay caalamka.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka qeybna ka ah Guddiga arrimaha dibedda ayaa Goobjoog FM u sheegay inuu aad u soo dhaweynayo hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, kaas oo isagu shaaciyey in 31 safaaradood lagu soo koobayo safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.
Dalxa waxa uu sheegay in qorshahan cusub uu wax badan ka badali doono xaaladihii hore, islamarkaana ay safaaradahaan noqon doonaan kuwa tayo iyo awoodba u leh inay xaliyaan dhibaatooyinka soo food saara soomalida wadama dibada ku nool.



From the comments