
War goor dhow soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in qarax miino uu saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay howlo nadaafadeed ka wadeen haween ku sugnaa xaafada Taleex.
Inta la xaqiijiyay saddex haween ah oo ka shaqeynayay nadaafada ayaa ku geeriyooday qaraxa, sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxan.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko” ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay haween Soomaaliyeed oo ka shaqeynayay nadaafada deegaankooda ay miino ugu qariyeen qashin ay gurayeen, kadibna ay ku qaraxday wuxuuna xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen saddex haween ah, halka uu xusay in Sideed kale oo haween ah ay ku dhaawacmeen masiibadaasi.



From the comments