Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliyua Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka Siiraaliyoon ee ka mid ah wadamada ugu tabarucay Soomaaliya ciidamada nabad ilaalinta in aysan Ciidamo dheeraad ah keeni doonin Soomaaliya inta laga hir gelinayo Tallaabooyin dhanka Caafimaadka ah si loo hubiyo Caafimaadka Ciidamada Badalka ku imaanaya.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu sheegay in dib loo celiyo diyaarad dalka Siiraliyoon ka timid.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Magaalada Washinton ayaa sheegay in Dowladiisu ay qaadeyso Qorshooyin Cusub oo lagu horumarinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.



From the comments