
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Digreeto Numberkeedi Yahay LR.109 waxa uu ku magaacabay Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo Raadiyaha Puntland C/fitaax Nuur Axmed (Ashkir) isagoo xilka ka qaaday Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) oo muddo Hal sano ka badan ahaa Agaasimaha TV-ga iyo Raadiyaha maamulka Puntland.
Ashkir ayaa ka soo baxay jaamacad ku taalla magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan, waxa uu soo bartay saxaafada, waxa uu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah warbaahinta dalalka carabta ku yaalla.
Digreetadan waxa ay ku taariikhaysan tahay 3 Agoosto 2014 Maalin Axada, waxaa sidoo kale loo Magacaabay ku xigeenka Agaasimaha TV/Radiyaha Dowlada Puntland Xuseen Xaaji Yuusuf.



From the comments