Taliyaha ciidanka xoooga dalka General Dahir Adan Cilmi Indha-qarshe, oo manta la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda uu ku sugan yahay ciidanka Soomaaliya.
Taliayaha ayaa sheegay iney muddo sannad ah ku howlanaayeen tirikoobka ciidanka iyo kala saaridda inta awoodi karta iney howl-gallada ka qeyb qaataan iyo inta aan awoodin, tasoo howsheeda loo saaray hey’ad ugaar ah. Waxaa kaloo uu sheegay in baaritaan iyo daba gal lagu sameeyey ciidanka sida joogtada ah u gutta howshooda iyo kuwa dayacay waajibkii ay u hayeen ummadda.
Indhaqarshe ayaa sidoo kale ka faalooday isqab-qabsiga iyo muranka laxiriira bixinta darajooyinka saraakiisha ciidana xooga Soomaaliya, isagoo sheegay in burburkii dowladdii dhexe uu qeyb ka yahay arintan.



From the comments