Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya in rag hubaysan oo looga shakiyay in ay SHabaab yihiin ay saddex ruux ku dileen deegaanno hoos taga Waqooyi-Bari Kenya.
Raggaasi hubaysan ayaa soo weeraray shirkad xaga dhismaha jidadka ah oo fadhigeedu yahay Mandheera, waxayna ku dileen hal qof oo ka mid ahaa shaqaalaha shirkaddaasi sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Mandheera, Alex Ole Nkoyo.
Nkoyo ayaa sheegay in dablayda weerarka geysatay ay tiradoodu dhamayd shan nin, kuwaasoo sitay qoryo culus, isagoo xusay inay toogteen nin darawal ahaa, dabadeedna ay u baxsadeen dhanka xadka Soomaaliya.



From the comments