
Madaxwaynaha dhowaan loo doortay inuu hogaamiyo maamulka Khaatumo mudane Cali Khaliif Galayr oo mar dalka ka soo noqda ra’iisal wasaare, imikana ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinnimadiisa baarlamaanka dalka.
Galayr ayaa u sheegay Goobjoog FM inuu ka tanaasulay shaqadii uu u hayay baarlamaanka federaalka Soomaaliya maadaama uu maalinnimadii khamiistii ee la soo dhaafay ku guuleystay xilka madaxweynenimo ee maamulka Khaatumo.
Waxa uu ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya in ay aqoonsi buuxa siiyaan maamulka Khaatumo. Cali Khaliif ayaa sidoo kale tlmaamay in uu xiriirka u jari doono dowladda Soomaaliya hadii aysan aqoonsan maamulka uu madaxda ka yahay.



From the comments