Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sannad guuradii koowaad ee xafiiska UNSOM oo ka dhacday Garowe ayaa ballan qaaday in taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland ay ahaan doonto mid joogto ah.
“Sanadihii la soo dhaafay Puntland waxaa ay ku talaabsatay horumar muhiim ah ee xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga taas oo ay dowladda iyo dadka reer Puntland ammaan ku mudanyihiin. Laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo badan oo wali u baahan in la qabto, oo ay ka mid tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada kale ee soo unkamaya, sameynta nidaam federaal ah, dib u eegidda dastuurka kumeel gaarka ah iyo diyaarinta doorashooyinka sannadka 2016. Wada shaqeyn buuxda oo dhex marta Dowladda Puntland, maamulada ku meel gaarka ah iyo kuwa hadda dhismaya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waa wax ku ool,” ayuu yiri Mr Kay.
“Soomaalida oo dhan waxaa ay wax ka baran karaan kana faa’iideysan karaan qibradda Puntland iyo guulaha ay gaartay laga soo bilaabo 1998. Waxaan hubaa in maamul gobaleedyo federaal ah oo ka sameysma Soomaaliya ay Puntland iyo Soomaliyaba dan ugu jirto. Puntland ma dhumin doonto deegaannada ay hadda maamusho” ayuu sii raaciyay. “Xuduudaha kama dambeysta ah waxaa la go’aamin doona iyada oo la eegayo geeddi socodka ku xusan dastuurka qabyada ah ee federaalka,” UNSOM



From the comments