370 qof ayaa lagu dilay Kenya tan iyo markii ciidankooda soo galeen Soomaaliya
Inta la xaqiijiyay 370 ruux ayaa ku dhimatay,1075 qofna way ku dhaawacmeen gudaha dalka Kenya tan iyo bishii October ee sanadkii 2011 markii ay weeraro Al-Shabaab ka geysteen gudaha dalkaasi Kenya.
Wargayska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa ku sheegay warbixin uu daabacay in hal qof dalka Kenya lagu dilayay sadexdii cishaba mar, taas oo ay geysanayeen kooxo ay ugu yeereen argagixiso.
Dilalkan ayaa Kenya ka dhacayay tan iyo markii uu dalkaasi ku dhaqaaqay waxa ay ku magacaabeen howlgalka dalkaada Badbaadi (Operation Linda Nchi),kaasoo bishii October 2011-kii Kenya ku soo fara gelisay Soomaaliya.
Weerarada Al-Shabab ku faanaan inay Kenya ku qaadeen ayaa waxa ka mid ah weerarkii Septembertii la soo dhaafay ka fuliyeen suuqa Westgate ee Nairobi ku yaala iyo weerarkii kale ee laga fuliyay Lamu dhowaan.
Labadaas weerar dadka ku naf waayay waxay tiro ahaan ka badan yihiin 100 ruux , iyadoo ay in kale oo intaa ka badana ku dhaawacmeen.
KHubaro amaan oo uu la xariiray wargayska The Standard ayaa qiray in Al-Shabab ay si wayn u dhibaateeyeen dadka reer Kenya tan iyo markii ay is qoomeen.
Hay’adaha amaanka Kenya ayaa diiday inay wax war ah ka yiraahdaan warbixintaan ku soo baxday wargayska The Standard.
Warbixinta ayaa waxa ay sheegaysaa in saddexdaas sanno ay Al-Shabaab Kenya ku soo qaadeen 100 weerar, kuwaas oo dhammaantood ujeedooda ay ku guulaysteen, waxaana ugu danbeeyay weerarkii dhacay bishaan August 4teedii.
Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday magaalada Mandheera, kaas oo dhacay sannad kadib weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate oo ay ku dhinteen ku dhowaad 68-ruux oo halkaas joogay, waxaana ku dhaawacmay 175 qofood.