Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay wasiiradda hawenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda soomaaliya marwo Khadija Maxamed Diiriye iyo xubno ka tirsan xafiiska howl-galka AMISOM u qaabilsan arimaha haweenka iyo sidoo kale hey’ado ku lug leh dowridda xuquuqda aadanaha.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta kaalinta siyaasadeed ee haweenka, dar-dar galinta hawlaha xuquuqda aadnaha, iyo tayeynta shaqaalaha wasaaradda.
Haji Sebya Robi oo ka mid ah mas’uuliyiinta xafiiska AMISOM u qaabilsan arrimaha haweenka ayaa sheegay in xafiiskoodu si buuxda ula shaqayn doono wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda Soomaaliya.



From the comments