Iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta bani’aadannimada adduunka ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadannimada ee qaramada midoobay ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNOCHA) lagu sheegay in munaasabadda maalintan darteed mar kale la cusboonaysiinayo sida ay qaramada midoobay uga go’an tahay dedaallada ku aaddan naf-badbaadinta, iyada oo la xusuusanayo dhammaan kuwii naftooda ku waayay xilligii ay ku guda jireen howsha bani’aadanimada.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in todobaadyadii la soo dhaafey tobaneeyo ka tirsan shaqaalaha bani’aadamnimada oo ay ka mid yihiin kuwo la shaqeeya qaramada midoobay ay naftooa ku waayeen dalka koonfurta Suudaan iyo Gaza (Falastiin) iyadoo dad aad u tiro badan ay dhimasho ama dhaawacyo halis ah ka soo gaareen weerarro ku-talogal ah oo lala eegtay shaqaalaha.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Ban ki Mon ayaa isagoo ka hadlaya maalintan waxa uu ammaanay hy’adaha gargaarka kaalinta ay ka qaateen badbaadinta kumanaan dad ah oo u baahnaa gargaar deg deg.




From the comments