Faahfaahin ku saabsan khasaaraha duqayntii shalay ka dhacday Gedo
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay duqayntii ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Taliyaha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolkaasi Cabdullaahi Cismaan Isaaq oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in duqayntii lala eegtay xarun uu sheegay in Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka KHadiijo Xaaji ay ku geeriyoodeen ilaa 17-ka mid ahaa rag ku shirayay halkaasi.
Cabdullaahi Cismaan Isaaq ayaa tilmaamay in dhinaca kale ciidamada dowladda Federaalka ay wadaan howl-galka dagaal ee ka soconaya gobolka Gedo, isagoo xusay in la bar tilmaansanayo degmada Baar-dheere ee gobolkaas.
Al-shabaab ayaa xarun wayn ka dhigtay degmada Baar-dheere, waxayna fariisimo ku leeyihiin deegaano kale oo qayb ka ah Gedo.
Diyaaradaha dagaal ee Kenya ayaa duqaymo cirka ah ka geysatay deegaanka Gadoon-dhabe ee hoos taga Balad Xaawo..
Ciidamada cirka Kenya ayaa mararka qaar duqaymo ka geysta meelo ka tirsan gobolada Koonfureed ee dalka.