Baydhabo: Ciidamada dowlada oo heegan la geliyey iyo magaalada oo saaka xasiloon
Saraaakiisha dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in heegan la geliyey ciidamada dowladda ee ku sugan Baydhabo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin iyo xubno kale oo ka socda dowlada.
Taliyaha ciidamada booliska magaalada Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in magaalada tahay mid nabad gelyo ah oo aanay waxba ka jirin wararka tilmaamaya xiisado colaadeed oo u dhexeeya maamulada is garab ordaya.
Mahad, taliyaha boliiska Baydhabo ayaa sheegay in ay kulan la qaateen Saraakiisha AMISOM, kaas oo looga hadlay sidii amaanka magaalada Baydhabo loo adkayn lahaa.
Shalay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay isku gedaameen xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo oo saldhig u ahayd maamulka lixda gobol.
Dhanka kale, Ma’suul ka tirsan maamulka Lixda gobol ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in diyaar ay u yihiin ka qayb galka wada hadal lagu dhamaynayo is qab qabsiga jira.
Aadan Cusmaan Sajuu oo xubin ka ah maamulka Madoobe Nuunow ayaa sheegay in wada hadalkan uu sahlanaan doono haddii wada xaajood lala yeesho odayaashii lahaa aas-aaska maamulkaasi.
Sujuu ayaa carrabka ku dhuftay in dowlada looga baahan yahay in ay samayso qorshe kasta oo la isugu keenayo maamulada is garab ordaya ee fadhigoodu yahay Baydhabo.