Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Frank Lobionda oo ka tirsan Kongareska Maraykanka, xubina ka ah guddiyada qaabilsan arimaha ciidamada iyo war-doonka Maraykanka.
Kulanka dhex maray Madaxwayne Xasan SHeekh Maxamuud iyo Frank Lobioda ayaa waxa goob joog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga iyo qaar ka tirsan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, iyadoo kulankanka xoogga lagu saaray xaaladda amniga dalka iyo taageerada dowlada Maraykanka ee ku aadan horumarinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya.
Sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Kulankan oo talooyin kala duwan la isku dhaafsaday ayuu madaxwayne Xassan SHeekh Maxamuud uga mahad celiyay dowladda Maraykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay sida loogu bahaan yahay in la kordhiyo lana sii wado.



From the comments