Xasan Xanafi oo qirtay in uu yahay qofka ay doon-doonayso dowladda FS
Xasan Xanafi Xaaji oo gacanta ugu jira booliiska Kenya ayaa qirtay inuu yahay eedaysanaha la doon-doonayo ee ka tirsan Al-Shabaab.
Markii Xanafi Xaaji ay qabteen ciidamada amaanka Kenya ayuu ka dafirsanaa inuu yahay Xasan Xanafi Xaaji, isaga oo sheeganayay magac kale oo ahaa Yuusuf Xasan Cabdisalaan.
Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya oo diiday magaciisa in warbaahinta ay adeegsato ayaa u sheegay wakaalada wararka AP in baaritaan dheer kadib uu Xasan Xanafi Xaaji qirtay inuu yahay eedaysanaha ay doon-doonayso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay sarkaalkaan ka tirsan booliiska Kenya in ay haatan qorsheynayaan sidii ay Xasan Xanafi Xaaji ugu wareejin lahaayeen dowladda Soomaaliya maadaama ay hore u soo gudbisay codsi la xiriira in loo soo gacan geliyo eedaysanahaasi.
Warqado sheegayay inuu Xasan Xanafi Xaaji yahay Kenyan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo la been abuuray , sidaasina waxa cadeeyay sarkaalka booliiska Kenya ka tirsan, kaasoo warkaan laga soo xigtay.
Xasan Xanafi Xaaji ayaa ku eedaysan inuu ka dambeeyay dilal dhowr ah oo magaalada Muqdisho loogu geystay wariyeyaal Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka, waxaana soo eedaysay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Booliiska Kenya ayaa xaafada Islii ee Nayroobi ka soo qabatay Xasan Xanafi Xaaji oo SHabaab ugu qaybsanaa daba galka weriyeyaasha.