
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dejin iyo shaqo abuur loo samaynayo qoxootiga ka soo laabanaya dalka Kenya.
Wasiirka DHalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliyta Dr. Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Goob Joog FM ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ka qayb qaadanayso dadaalada lagu lagu garab istaago qoxootiga Soomaalida ah ee ka soo laabanaya xeryaha qoxootiga ee Kenya.
Wasiirka ayaa tilmaamay in shaqo abuur iyo dib u dejin loo samaynayo dadkaasi, isaga oo shaaca ka qaaday in kaalin mug leh ay wasaaradiisu ka qaadan doonto arintaas.



From the comments