
Guddoonka Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay doorkii muuqday ee ay qaateen xildhibaanada barlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Puntland ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Guddoon ahaan aad ayaan u soo dhoweyneynaa shaqada muuqata ee ay xildhibaanadu hadiiba u guntadeen xalinta khilaafaadka soo if-baxay tan iyo bartamihii bishan August , isla markaana ay ku abuureen jawi isu soo dhowaansho ah, kaasoo loogu gogol xaarayo wada hadal toos ah oo dhex mara xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Puntland.
Sida uu qabo Qodobka 61aad ee dastuurka dalka xildhibaanada Golaha SHacabku waxay u gudanayaan waajibaadkooda sida ay danta Qaranku ku jirto, iyadoo uu waajib gaar ah ka saaran yahay deegaan cod-bixiyeyaasha ay ka soo jeedaan, wuxuu guddoonka Golaha SHacabka ku bogaadinayaa xildhibaanada sida hagar la’aanta ah isaga xilqaamay inuu wada hadal u bilowdo DFS iyo Puntland.



From the comments