U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Ka Doodaya Mushaar La’aanta Shaqaalaha Dowladda

Sheeko:War

Baarlamaanka Federaalka oo maanta yeelanaya mid ka mid ah kulamadii caadiga ahaa ayaa dood furan ka yeelan doona dhaqaale xumada dalka ka jirta , gaar ahaan miisaaniyadda isdhintey ee dowladda iyo mushaar la’aanta shaqaalaha.

Doodan oo baaqatay 21-kii bishan xili uu baarlamaanka horyimid wasiirka maaliyadda Maxamed Aaden Fargeeti ayaa maanta dib u furmeysa.

Wasiirka ayaa xildhibaanada u sheegey in dakhligii soo galay dowladda 5-tii bilood ee lasoo dhaafay uu dhammaa illaa $49 malyuun oo doolar, sidaasi oo ay tahayna ay qarash ku wada baxdey.

Waxase xildhibaanada ay isweeydiinayaan waxa ka muhiimsan mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo askarta furumaha dagaalka ku jira ee aanan wax mushaaraad helin muddo 4 bilood ah oo xiriir ah.

Wasiirka waxa uu sheegey in mushaarka lagu bixin jirey mashruuc uu taabbo galiyo bangiga adduunka, kaasi oo uu waqtigii loogu talogalay ka dhacay, balse hadda dib loo cusbooneysiiyey, isaga oo balanqaaday in shaqaalaha la siin doono mushaaraadkooda.

Horaantii bishaan hanti dhawrka guud iyo guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa wasaaradda ka dalbay in ay bixiso mushaarka shaqaalaha dowladda, lagana bixiyo inta ku jirta qasnadda dowladda oo ay sheegeen in ay ku filantahay daboolista mushaaraadka.

Goobjoog News