Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyey guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xildhibaano baarlamaankaasi ka mid ah, waxaana cashada ka qeybgalay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.
Madaxweynaha oo hadlay ayaa sheegey in dowladda federaalka ay taageereyso dhamaan baarlamaanada ka jira maamul goboleedyada si Soomaaliya ay horumar iyo nabad u gaarto, isaga oo madaxda baarlamaanka Galmudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo caddaalada.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo hadlay ayaa sheegey in ay Muqdisho u joogeen si baarlamaanka federaalka uu oga caawiyo qoriska xeer hoosaadka baarlamaanka Galmudug iyo arrimo kale oo ay caawin oga baahanyihiin.




From the comments