Xildhibaan Bile Keerow oo laga soo doorto magaalada Mandhera ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, kana tirsan aqalka odayaasha Kenya ayaa sheegay in ka mudane ahaan aanu raali ka ahayn in darbi laga dhiso xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in fikir la’aan ay tahay qorshaha ku aadan Darbigaan la dhisayo, waxaana uu sheegay in taasi ay caqabad ku noqoneyso isku socodka shacabka degan Labada dhinac.
Sidoo kale Mudane Keerow ayaa sheegay in wax hadda dowladda Kenya ay u sababenayso dhismaha darbigaasi uu yahay amni xumida islamarkaana ay macquul tahay in hadii la dhiso xitaa ay sii socdaan.




From the comments