Hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in abaaraha baahsan ee dalka ka jira ay yihiin kuwo heer Musiibo qaran ah una baahan in degdeg wax looga qabto.
Guddoomiyaha Hay’adaasi Cabdullaahi Maxamed Jimcaale oo habeenkii xalay ahaa ka qeybgalayey Barnaamij gaar ah oo Goobjoog News kaga hadleysay abaarta dalka ka jirta ayaa sheegay in dhibaatada hadda dalka ka jira ay tahay tii ugu darneyd muddo sanado hadda laga joogo.
“Runtii waa heer musiibo qaran ah abaaraha ka taagan dalka intiisa badan, gaar ahaan abaarihii waqti hore helay gobollada Waqooyi bari iyo Waqooyi galbeed oo xoogaa gurmad ah loo sameeyay iyo kuwa ka taagan gobollada Koonfureed gaar ahaan Wabigii uu biyo beelay, runtii waa taariikh aad u fog in wabiga sidaan uu noqdo, dad badan oo Tuulooyinka ah aysan lahayn ceelal oo ay ku tiirsanaayeen wabiga ayna sabatay taasi in ay dad badan barakacaan, sidoo kale biyihii yaraa ee isugu yimid meelaha ay sababeen cudurro kala duwan, barakacayaasha qaar ay Xamar yimaadeen oo aysan haysan hoy iyo nolol wanaagsan, waana xaalad soo noqnoqtay, Seddax bil kahor waxaan ka digeynay Fatahaad iyo biyo badan, hadana Seddax bil kadib in sidaan ay noqoto waa arrin u baahan in xal degdeg ah loo helo, dhibaatada Soomaaliya haysata waxay u badan tahay Biyo yari iyo biyo badnaan, hadii biyahii bataan waxay sameynayaa fatahaad hadii ay yaraadaanna waa sidaan” ayuu yiri Gudoomiye Cabdullaahi Maxamed.




From the comments