Muqdisho: Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Ah Oo Taageeray Ceyrinta Cali Cosoble

Xildhibaanada Golaha shacabka ee dawladda Fedaraalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan ay ku yesheen magaalada Muqdisho waxaa ay ku tagereen xil ka qaadista baarlmaanka Hirsahbelle ay ku sameyeen madaxweynihi hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Kulanka, waxaa sidoo kale joogay xubna ka mid ah senatorada aqalka sare ee degaanadaasi lagasoo doortay iyadoo ayiday Go’aanka codka kalsoonida uu kuwayay Cali Cosoble.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ku saxnaayeen xildhibaanada Hirshabeelle go’aankii kalsoonida ay kala laabteen madaxweynihii Hirshabeelle isbadalkaaasna uu yahay mid loobahnaa.
Xildhibaan Maxamuud Abuukate oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha shacabaka ayaa yiri.
“kulanka maanta aan yeelanay waxaana kutageernay isbadalka shalay Jowhar ka dhacay ee xilka ay uga qadeen xildhibanada madaxwayanaha maamulkaasi waana in laga shaqeeya xasiloonida iyo ammaanka degaanka inta uu madaxwayne kale uu imaanayo”.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesaw ayaa isna sheegay in uugu baaqayo madaxda dawlada in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo gudi kashaqeeya sidii markale ay dawladda gacan uga geesan lahayd in dorashada madaxtinimada Hirshabelle ay halkaasi kaqabsoomto.
Xildhibanada ayaa dhamantood sheegay in muhiim ay tahay in uu yimaado hogaamiye dadka kasara colaada iyo dhibatada kajirta degaanada maamulka Hiurshabelle.
Xildhibaannada maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa isniintii shaqada ka eryay madaxweynihii hore Cali Cabdullahi Cosoble, arrintaasi waxaa taageeray guddoomiyaha aqalka oo safar dibadda ah ku maqnaa.
Goobjoog News,