Goobjoog

Cabdiraxmaan Jaamac Barre

Waxaa magaalada San Diego, California ee dalka Maraykanka ku geeriyoodey wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre. Hadaba, Cabdi Caziz Gurbiye ayaa qoyskiisa kala sheekeystay taariikhdiisa, Akhriso Taariikhda…

Cabdiraxmaan Jaamac Barre

Waxaa magaalada San Diego, California ee dalka Maraykanka  ku geeriyoodey wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jaamac Barre.

Hadaba, Cabdi Caziz Gurbiye ayaa qoyskiisa kala sheekeystay taariikhdiisa, Akhriso Taariikhda oo Kooban.

Taariikh Nololeedka: Cabdiraxmaan Jaamac Barre:

Cabdiraxmaan Jaamac Barre, waxaa uu ku dhashay Luuq sanadkii 1937.

Waxbarasho:

Waxaa uu dugsi hoose ku qaatay: Macalin Jaamac

Dugsi dhexe waxaa uu ka dhigtay: Majestrale

1962: Talyaaniga ayuu ka soo dhigtay Cilmiga Siyaasadda ee Jaamacadda Padova

Shaqo:

Intaasi kadib, markii uu dalka ku soo noqdey, waxaa uu ku biiray wasaaradda arimaha dibadda isagoo qabsaday qeybta dhaqaalaha

1972: Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda

July 1976-1987: Wasiirka arrimaha dibadda

1987-1989:  Wasiirka Maaliyadda.

1989: Wasiirka Arimaha Dibadda

1990: Wasiirka Maaliyadda.

1991: Burburkii kadib, waxaa uu ku noolaa dalka Mareykanka

2004: Shirkii Kenya, waxaa uu u tartamay jagada madaxtinnimada Soomaaliya, wareegga 1aad ayuu ku haray isaga oo helay 18(6.59%).

Marxuum Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaa uu guursaday xaasas badan, waxaa uu dhalay 15, waxaa uu xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments