Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamaankaas in ay codka kalsoonida ah ay siiyan Wasiirada, si ay u qabtaan adeegyada ay Bulshada ka sugayaan.
Ilaa 112 mudane ayaa ogolaatay , 5 ayaa diiday halka 6 kalena ay ka aamuseen, sidaasi dareedeed Guddoonka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ansax yihiin golahaasi Wasiirada.




From the comments