Waxaa Hoolka tababarrada ee jaamacadda Salaam lagu qabtay lecture aad u qiimo badan oo ardayda u jeediyay Dr Maxamuud Abdirahmaan ( Dr Hoori ) , oo ah khabiir ku takhasusay Chemistry & Physics oo bare sare ka soo noqday jaamacado dhowr ah oo ku yaalla Ingriiska iyo Sacuudiga .
Dr. Hoori ayaa soo jeediyay Muxaadarada oo cinwaankeedu ahaa ( How to Achieve an Academic Success) sida waxbarashada loogu guuleysto, taa oo socotay muddo 3 saac ah, ayay ardaydu ka faaideysteen macluumaad dhaxal gal ah .
Tani ayaa qayb ka ah dadaalka uu maamulka jaamacadda ugu jiro horumarinta iyo kobcinta garaadka & aqoonta ardayda.




From the comments