Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa ka noqotay go’aan ka dhan ah 7 dugsi oo gaar loo leeyahay oo Wasaaradda ay todobaadkan kala noqotay ruqsadii ay ku shaqaynayeen.
Kulan ay maalintii shalay magaalada Hargeysa ku yeesheen maamulayaasha dugsiyada gaarka ah iyo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayay dugsiyadaasi balan qaadeen in ay u hoggaansamayaan dhammaan awaamiirta ka soo baxda Wasaaradda Waxbarashada.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa sheegey in khilaadkaasi soo kala dhexgalay Todobada dugsi iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland laga heshiiyay.




From the comments