Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka ay sameeyeen khiyaano qaran kaddib markii muwaadin Soomaaliyeed ay Itoobiya u dhiibeen.
Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku lug leeyihiin tallaabadii ninkaas ka tirsanaa ONLF loogu dhiibay Itoobiya.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay kala caddaan doonto in Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan iyo in caasimadda dalkani tahay Addis Ababa oo Itoobiya caasimad u ah.




From the comments