shan xubnood oo ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika ee ay xubnaha ka yihiin Baarlamaannada Dalalka qaaradda Afrika.
Shantaan xubnood waxa ay Soomaaliya ku Matalan Baarlamaanka Afrika oo ey xubno ka yihiin Dhamaan 54 ta dowladood ee Africa ay ka koobantahay Qaarada Africa waxaa ay kala yihiin:
- Xildhibaan Lutfi Shariif Maaxamed oo lag soo doortay Gobolka Banaadir.
- Xildhibaan C/Xakiin Macallin Axmed oo laga soo doortay deeganada Galmudug.
- Xildhibaan Idiris Cabdi Taqtar oo laga soo doortay deeganada Koonfur Galbeed.
- Xildhibaan Abdiaziiz Abdulahi Mohamed oo laga soo doortay deeganadda Jubaland.
- Xildhibaanad Yaasmiin Xuseen Maxamed oo ka tirsan Xildhibaannada Somaliland
Xildhibaannada ayaa lagu dhaariyay hoolka uu kulan ka dhacay South Africa, waxaana dhaartaas mariyay Xildibaanno ka socday Dalka Lesotho, oo iyana lagu dhaariyay kulanka 5aad ee Fadhiga Baarlamaanka Afrika.




From the comments