Steve Wozniak oo ah ninkii ay wada aasaaseen shirkad Apple Steve Jobs oo ay marwada aasaaseen shirkadda Apple, ayaa ku dhawaaqay inuu sameeyay website cusub oo lagu baranayo teknoolajiyadda kaaso oo loo bixiyay magaca Woz U , website kan ayaa loo sameeyay cidkasta oo dooneysa iney hor-u-mariso awoodaheeda iyo khibradaheeda teknoolajiyadda noocyadeeda kala duwan.
Wozniak ayaa doonaya inuu ballaariyo website ka oo uu noqdo mid laga heli karo dhamaan aqoonta teknoolojiyadda casriga ah, laga bilaabo Injineeriyadda Software-ka tan teknoolajiyadda macluumaadka illaa laga soo gaaro apps ka mobillada iyo ammaanka digital ka ah, isagoo weliba doonaya inuu sameeyo 30 website oo kale oo hoosyimaadda kan weyn, daafaha adduunka oo dhan. Laakiin lama sheegin in website ku uu lacag yahay iyo in kale.
Website-kan ayaa laga helayaa xiriirka shirkadaha teknoolajiyadda, iyadoo uu Woz U leeyahay koorasyo tababarka shaqaalaha ah, kobcinta kuwii hore iyo hor-u-marinta kuwa cusub ah.




From the comments