Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa haatan waxa uu ka soconayaa deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.
Wararka ay Goobjoog News heleyso ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaannada Hees iyo Madhooy oo hoostaga degmada Matabaan ee bariga gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa bilwoday kadib markii ay Al-shabaab jidka u galeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ka baxay magaalada B/weyne kuna sii jeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.




From the comments