Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidankii shalay ku dagaallamay deegaanka Kalabeyr.
Waxaa gudaha magaalada ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo qalqal geliyey shacabka ku dhaqan degmadaasi, sida uu soo sheegayo wariyaheenna C/risaaq Al-cadaalla.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa aad u adkeeyey ammaanka xarunta gobolka ee magaaladaasi, waxaana dadweynaha loo diidayaa iney maraan nawaaxiga xaruntaasi.




From the comments