Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saakay laga duuliyey dhaawacyada Injineero u dhalatay wadanka Turkiga, kuwaas oo ku dhaawacmay qarax 18-ka bishan lagula eegtay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose.
Diyaada laga lahaa dalka Turkiga ayaa qaaday dhaawacyada oo tiradoodu gaareyso ilaa 9 ruux, sidoo kale waxaa lala qaaday dhaawacyada askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa.
Injineeradaan ayaa ahaa kuwo ku howlanaa dhismaha wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda ay qaadatay shirkad laga lahaa dalka Turkiga, waxaana qarash gareynaya dowladda Qadar oo saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya.




From the comments