Maxakamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay Dacwad ciqaabeed Dhallinyaro loo heysto Burcadnimo hubeysan ayaa ku kala ridday xukunno kala duwan.
Maxkamaddu waxay Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, halka Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa haddii uusan jirin dambi kale sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.
Dhallinyadaasi ayaa aheyd koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada iyo Kombiitarrada.




From the comments