Madaxweyne Waare oo Gaaray Magaalada Baladweyne
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Madaxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka jiraan howllo looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Baladweybe.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa kasoo kictimay Magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Goboleedka Hirshabeelle.
Qeybo ka mid bulshada ,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxwyeneha waxaana loo qaaday isaga iyo wafdigiisa gudaha Magaalada halkaasi oo lagu wado inay ku yeesheen kulamo ay uga arrinsayaan xaalada fatahaada wabiga iyo sidii loo xakameyn lahaa maadaama uu haatan qeybo ka mid Xaafadaga Magaalada ka bilaawday fatahaad.
Maamulka Gobolka ,kan Degmada, Ganacsatada deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa u waday howllo ay ku sameeynayeen Caro tuuryo goobaha laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga sidoo kale waxaa jira cabsi xooggan iyo barakac soo wajahay dadka deegaanka Maadaama qeybo ka mid haatan uu ka bilaabay inuu fatahaad ka sameeyo.
Goobjoog News